Xogta qorshaha lagu weerarayo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab

Baladweyne (Raxanreeb) — Madaxweynaha HirShabeelle oo hoggaaminaya howl-galka gobolka Shabeellada Dhexe looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay shaaciyay inay qorsheynayaan qabsashada saldhiga u weyn Al-Shabaab ee gobolkaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale sheegay inay dhawaan isku furi doonaan furimaha dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, si ay u qabsadaan degmada Aadan Yabaal oo ah saldhiga ugu weyn ee argagixisada ku leeyihiin gobolka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayuu tilmaamay iney haatan joogaan deegaanka Biyo Cadde, ayna uga sii gudbayaan Miirtaqwo, kadibna ay uga sii talaabi doonaan Ceelbaraf iyo Ceeldheere, halkaasi oo ay ka galayaan Aadan Yabaal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan Hiiraan ay iyaguna xadka ka soo talaabayaan, si Al-Shabaab nolosha loogu qabto oo aysan u baxsan, isagoo xusay inay gacanta ku hayaan xubno shabaab ah oo howl-galo lagu soo qabtay.

Si kastaba, Degmada Aadan Yabaal ayaa xiligaan ah saldhiga u weyn ee Al-Shabaab iyo halka ay kooxda kasoo abaabulaan duulaanada ay ka geystaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.