MD Xasan Sheekh Dib u eegis miyuu ku samaynayaa howlgalka Sh. Dhexe (XOG )

Raxanreeb (Muqdisho ) Sida la wada-ogyahay howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan u socon sida kan ka socda gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka ayaa la xaqiijinayaa in saraakiisha Dowladda ee ka soo jeeda deegaanka ay ka caga jiidayaan , taas oo loo arko in ay salka ku hayso arrimo dhaqaalle oo ka soo gala waddooyin ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wadada xiriirisa Ex Kantarool Balcad iyo Jowhar ayaa la fahamsan yahay in ay ka soo xarooto lacag aad u badan , taas oo meesha ka bixi karta haddii lagu guulaysto howlgalka Shabeellaha Dhexe.
Lacagahan waxa ay ku dhacdaa jeebka saraakiisha qaar , waxaana waddada u taalla dhawr Jidgooyo oo ay ku qaadaan , taas oo la sheegayo in shaki ay ku keentay howlgalka  oo ay ka qayb qaadanayaan kooxaha kacdoonka.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa la xaqiininayaa inuu ka  fakarayo sidii uu ula imaan lahaa qorshe ka duwan kan hadda lagu wajahayo Shabeellaha Dhexe oo la rumaysan yahay inuu u dhaqaaqi la’ yahay dano shaqsiyadeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoog ku bixinaysa siduu uu u mira dhali lahaa howlgalada ka bilowday gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan , kaas oo ax ka qayb qaadanayaan kooxaha kacdoonka oo ah dadka deegaanka

Haddii Madaxwaynaha Soomaaliya uu isbedel ku sameeyo saraakiisha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay socoto qorshahaas waxaa la aaminsan yahay inuu wax badan iska bedeli doono howlgalada ka dhanka Al Shabaaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.