Xubno Al –Shabaab lagu toogtay markale  magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Maxkamadda ciidanka  qalanka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, ragan ayaana horey dilal kala duwan magaalada Muqdisho uga geestay.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed, 29, ayaa saakay lagu toogtay fagaaraha Iskool Buluusiya, labadana nin ayaana maxkamadda ciidamada xukunka dilka ah ku riday bishii December  ee sannadkii 2020-kii.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Shabaab ee soo gala gacanta dowladda oo haatan sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay xukuno dil toogasho ah ku fulineyso rag katirsan Al-Shabaab oo lagu helay inay dilal ka geysteen MagaaladaMuqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.