Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku dhintay Qarax ay wadeen

Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku dhintay Qarax ay wadeen

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo sitay gaari nooca lagu magacaabo Succeed ayuu goor dhow qarax kula kacay deegaan lagu magacaabo Laaggan oo u dhexeeya deegaanada kala ah Guduudey iyo Buulo-bacaad oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Sida aanu xogta ku helnay gaariga qaraxu haleelay waxaa saarnaa shan Xubnood oo kamid ah Al-Shabaab, waxaana ay wadeen walxaha qarxa oo ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka deegaanka balse ay iyaga ku qarxeen.

Dadka deegaanka uu qaraxa kula kacay oo qaarkood noo xog waramay ayaa xaqiijiyay in gabi ahaanba uu bas belay gaarigii ay wateen Al-Shabaab, isla markaana qaraxaasi uu walaac xoogan ku abuuray.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin qaraxaan ay ku geeriyoodeen Xubnaha katirsan Kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhowr jeer sidaan oo kale ay ku geeriyoodeen qaraxyo ay diyaarinayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.