Xukuumadda Soomaaliya oo faah faahisay qodobada shirka golaha Wasiirrada

Xukuumadda Soomaaliya oo faah faahisay qodobada shirka golaha Wasiirrada

Muqdisho(Raxanreeb) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya  Saalax  Axmed Jaamacayaa furay kulan Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galay maalintii labaad, laguna gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Soomaaliya  iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo faah faahin ka bixinayay waxyaabaha Maanta looga hadlayo shirka ayaa sheegay in manta diirada lagu saarayay Arrimaha Amniga, cadaaladda & Dastuurka horumarinta dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhammaan qodobada shirka looga hadlayo dood dheer ay ka yeelanayaan Golaha Wasiirada iyo khubaro qeyb ka ah kulanka oo uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Maanta ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo eba-gabeeyo, hayeeshee Golaha Wasiirada Soomaaliya ay dood adag ka yeesheen arrimaha hortebinta u leh Xukuumadda, waxaana la filayaa in Maalinta berito ah la soo geba-abeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.