Nabaddoon Maxamed Nuur Diiriye oo lagu dilay suuqa Bakaaraha

Nabaddoon Maxamed Nuur Diiriye oo lagu dilay suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Raxanreeb) Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta kooxo hubeysan ka geysteen gudaha Suuqa Bakaraaha degmada Hoowl-wadaag ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rag ku hubeysnaa Bistoollado ay u geysteen Nabaddoon lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye oo sidoo kalena ahaa ganacsade.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada fulisay ay goobta ka baxsatay, waxaana daqiiqado kadib meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey howlgallo baarinaano ah oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah.

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilka marxuumka, wuxuuna sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada Nabadoonka la dilay oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoysaska iyo qaraabada ree Diiriye Cali geerida ku timid walaalkeen nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo saakay gacan ka xaq darani ku dishay Xamar,” ayuu ku yiri war qoraal oo uu soo saaray C/raxmaan Odowaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in marxuumka uu ahaa oday xilkas ah, isla-markaana Alla ka cabsi badan, wuxuuna ugu duceeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Nabaddoonka waxaan ku naqiinay odaynimo iyo xilkasnimo iyo alla ka cabsi. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ahalkaba sabar iyo iimaan haka siiyo,”.

Dilkaan ayaa qayb ka noqonaya falalka amni darrada ee ka dhaca caasimadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin weeraro qaraxyo ah oo uu ugu dambeeyay kii lagu qaaday hoteelka Xayaat oo ay ku geeriyoodeen inkabadan 21 qof halka dhaawacana 117 uu ka badnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.