Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay la wareegeen jasiiradaha Hanish ee u dhow Geeska Afrika. Eritrea iyo Yemen ayaa muddo isku hayay lahaanshaha jasiiradaha ku yaalla koonfurta Badda Cas.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AP, Xuutiyiintu waxay dib u riixeen ciidamada dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudigu, waxayna la wareegeen gacan ku haynta aaggan muhiimka ah. Jasiiradahan ayaa ku yaalla meel u dhow xadka u dhexeeya Eritrea iyo Jabuuti.
Xuutiyiinta oo la wareegay aagaggaas ayaa sidaas ugu soo dhowaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti, masaafo dhan 32 kiiloomitir. Markii Eritrea ay xornimadeeda qaadatay, waxay dagaal la gashay Yemen oo ku saabsan lahaanshaha jasiiradahaas.
Intii uu socday dagaalkaas kooban, ciidamada Eritrea waxay muddo gaaban gacanta ku dhigeen jasiiradda Hanish.
Hase yeeshee, muranka waxaa loo gudbiyay maxkamad caalami ah, waxaana lagu go’aamiyay in jasiiradaha aan la deggenayn, marka laga reebo goobaha kalluumeysiga, ay hoos yimaadaan maamulka Yemen.
Xuutiyiinta oo tan iyo toddobaadkii hore gacanta ku hayay dekedo iyo jasiirado ku yaalla Badda Cas, ayaa sidoo kale la wareegay magaalada dekedda ah ee Waqa iyo jasiiradda Perim, ka hor intii aysan la wareegin Bab al-Mandab, oo ah marin-biyoodka ugu muhiimsan kadib marin-biyoodka Hormuz.
Tallaabadan ayaa u sahashay Xuutiyiinta inay si fudud u xakameeyaan marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Leave a Reply