Muqdisho (Raxanreeb Online) sida ay ilo wareedyo inoo sheegeen Bakhaarkii ay Dowladda Mareykanka sheegtay in si sharci-darro ah loo burburiyay kuna yaallay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in amarka lagu burburiyay uu bixiyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdilqaadir Maxamed Nuur.
Dowladda Mareykanka ayaa si cad u muujisay walaac weyn, iyada oo ku eedeysay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si sharci-darro ah ula wareegeen 76 tan oo cunto gargaar ah oo ay bixiyeen deeq-bixiyayaal caalami ah, taasoo loogu talagalay badbaadinta nolosha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed.
Dowladda Mareykanka ayaa horay ugu goodisay in ay joojinayso wada-shaqeynta Ciidanka Danab, ilaa xilka laga qaadayo Wasiir Jaamac, oo xilligaas ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya, kaddib eedeymo la xiriiray faragelin siyaasadeed iyo ku xadgudub hannaanka taageerada amniga iyo musuq la xariira.
Khilaafyada noocan ah ayaa sare u qaadaya walaaca beesha caalamka ee ku aaddan ilaalinta gargaarka bani’aadamnimo, hufnaanta maamulka, iyo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha, iyadoo la cabsi qabo in dhacdooyinkan ay saameyn ku yeeshaan taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in aysan dulqaad u lahayn talaabooyinka nuucaan oo kale ah.

Leave a Reply