Libiya (Raxanreeb )- 107 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga soo daayay magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada ammaanka Isniintii.
Walid Alorafi, oo ah afhayeenka waaxda dambi baarista ee CID ee magaalada Benghazi, ayaa sheegay in sida laga soo xigtay qaar ka mid ah muhaajiriinta, ay ku xirnaayeen muddo 7 bilood ah “waxay doonayeen inay aadaan Yurub.”
Muhaajiriinta ayaa ka kala yimid dalal kala duwan oo ka hooseeya saxaraha balse inta badan waxay ka yimaadeen Soomaaliya ayuu yiri Alorafi.
“Muhaajiriinta waxaa dhamaantood lagu wareejiyay hay’adda socdaalka sharci darrada ah si ay u dhamaystiraan qaar ka mid ah hababka,” Aorafi ayaa ku daray.
CID ayaa soo bandhigtay muuqaalo muujinaya ciidankooda oo burburinaya gurigii ay ku jireen tahriibayaasha.
Muuqaalada kale ayaa waxaa ka mid ahaa rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo jirkooda ay ka muuqato jirdil. Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa la arkayay iyagoo u sii qaadaya ambalaas ay la socdaan shaqaalaha gargaarka.
Leave a Reply