Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann.
Kulanka waxa ay uga wada hadleen barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo isbaddalka Maaliyadda dalka oo hadda maraya meel aad u wanaagsan.
“waxaan ka hadalnay dib u habeynta dhaqaalaha iyo isbaddalka maaliyadda dalka, waxaa kale oo aan ka doodnay sii wadidda taageerada kabka miisaaniyadda iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya oo aad iyo aad muhiim ugu ah bulshada iyo Dowladda” ayuu yirri wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi.
Dowladda Federaalka Soomalia ayaa -galangal xoog badan ugu jirta sidii u kordhin lahayd miisaniyadeed sanadaha soo socda.
Wasiirka Maaliyadda ayaa dhawaan sheegay in wax xooga ah horumar ay ka sameynayaan koror ku yimaada miisaaniyada dalka.
Leave a Reply