Afhayeenka Gaashaandhiga “Masaajid Cali Gaduud weli duqeyn ayaa ku socoto”

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Alshabaab.Afhayeen u hadlay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedka duqeyntaas salka ay ku hayso sidii deegaanka loogu sifeyn lahaa kooxda Al- Shabaab.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho , ayuu sheegay Afhayeenka in duqeymahan ay yihiin kuwo inta badan ku wajahan deegaanada ay ku sugan yihiin Al Shabaab ee Shabeellaha Dhexe.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda dagaal xooggan oo ay iska kaashaanayaan ciidamada dowladda iyo shacab hubeysan oo la baxay Macawiisley, dagaalkaas oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay howlgalka Masaajid Caliguud, waxayna sheegtay in lagu dilay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa garaash iyo guri ay ku shirayeen oo ku yaalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.