Xog: darawalka guddoomiyihii hore BFS oo ku biiray Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Waxaa maalmahan warbaahinta iyo baraha bulshada dhex socday cod la sheegey in uu yahay mid ka mida shaqaalaha Baarlamanka, darawalna u ahaa Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaas oo la sheegay in uu ku biiray Al-Shabaab.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo wareysi bixiyay ku sheegay in darawalkiisa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamad Xasan uu hadda ku jira gacanta Al-Shabaab balse Guddoomiyaha ayaa beeniyay in rabitaankiisa uu halkaas ku tagay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaannada BFS ayaa sheegay in darawalkaan uu ka soo raacay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS uu xilligaas wasiir ka ahaa, isaga oo sheegay in uu ka mid ahaa darawallo ay Dowladda mareykanka u tababartay Wasaaradda..

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Darawalka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka mid noqday rag lagu tuhmayo weerarkii lagu qaaday Hotel Rays kaas oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Soomaaliya balse Guddoomiye Mursal uu iska fogeeyay arintaa.

Lamaaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin dhacdadaan ee ku saabsan in darawlka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka mid noqday Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.