MUQDISHO : Booliska oo soo bandhigay dad ay ku eedeynayaan Al- Shabaabnimo.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa caawa soo qabtay laba qof oo ay sheegeen in ay  ka tirsanayeen kooxda Al- Shabaab.

Labadan qof ayaa caawa lagu soo bandhigay saldhiga Xamarweyne ee magaalada Muqdisho , halkaas oo sidoo kale – goobjoog ay ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada ruux ayaa laga soo kala qabtay degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan halkaas oo ay howlgal amniga lagu sugayay ay ka sameeyeen ciidanka Dowladda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa warbaahinta caawa u sheegay in xubnahan loo haysto tuhunka Al- Shabaab ay hor gayn doonaan cadaaladda.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in ay wadi doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku sugaan amaanka degmooyinka magaalada Muqdisho , isla markaana talaabo ay ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda falal lidi ku ah amniga.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published.