2014 ilaa 2022 imisa Maxabiis ayay is waydaarsadeen USA & Taliban.

Islamabad (Raxanreeb ) Dowladda Mareykanka iyo Taliban ayaa isweydaarsaday maxaabiis ay kala heysteen, kuwaas oo labada dhinac u gacan galay kahor inta uusan mareykanku dib uga laaban duulaankii uu joogay dalkaas.

Tan ayaa ka dhigan markale oo labada dhinac ay is waydaarsadaan Maxabiis ,sida ay soo tabisay Wakaalada wararka AFP.

Ururka Taliban ayaa sii daayey Mark Frerichs, oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo gacanta ugu jiray ururkaas, iyaga oo ku bedeshay Bashir Noorzai oo ka tirsanaa ururka Taliban, kaas oo ku jiray xabsi ku yaalla dalka Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee xukuumadda Taliban Amir Khan Muttaqi ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kabul, in xukuumaddiisa iyo dawladda Maraykanku inay maxaabiista isku dhaafsadeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afghanistan.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Frerichs uu haatan ku so laabanayo gurigiisii ka dib markii afduub loo haystay muddo gaadhaysa illaa 31 bilood.

1 Juunyo 2014 Askari Maraykanka ayaa waxaa sii daayay kooxda Taliban ee Afghanistan isagoo xiligaas la geeyay isbitaal ku yaal Jarmalka.

Bowe Berghdal, oo la qabtay waxaa lagu badelay sii daynta shan taliban oo madax ahaa oo Maraykanka ku hayay xabsiga Guatanamo Bay.

Waxaa la gaeyay sanadkaas magaala madaxda taliban Qadar oo dhexdhexaadisay Maraykanka iyo Taliban ay ka socotay.

Dowladda Qadar ay siisay xiligaa balanqaad in ammaanka Maraykanka aysan qatar galinayn sii daynta maxaabiista Taliban.

Leave a Reply

Your email address will not be published.