Dadka Gobolka Bakool Ma Al- Shabaab ayay iska dulqaadayaan ?

Xudur ( Raxanreeb ) Kulan u dhaxeeya saraakiisha ciidanka xoogga dalka , maamulka gobolka Bakool iyo odayaasha dhaqanka gobolkaas ayaa looga hadlay amniga deegaanada Bakool.

Kulankan inta uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday go’adoonka sanadaha badan ka jira degmada Xudur ,halkaas oo dadka ku nool ay yihiin kuwo ku dhax nool xaalad adag oo go’doomin ah.

Guddoomiyaha gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay in la joogo waqtigii la iska dulqaadi lahaa culayska Al- Shabaab ay ku hayaan dadka degaanka.

Odayaasha dhaqanka degmada Xudur oo ka qayb galay kulankan ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidanka ay kala qayb gali doonaa sidii culayska jira la iska dulqaadi lahaa.

Sidoo kale kulanka ayaa laga soo saaray in si degdeg gobolka looga bilaabo dagaalka Al-Shabaab ee ka hawlgala gobolkaasi, iyadoo dagaalka ay door weyn ku yeelanayaan shacabka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa bidhaamiyay inay safka hore ku wehlin doonaan ciidamada iyo shacabka diyaarka u ah la dagaallanka Ururkaas.

Si kasta deegaano badan oo koonfurta iyo bartamaha dalka ah waxaa ka soconayo kacdoon ay hor kacayaan dadka deegaanka kuwaas oo ujeedkooda uu yahay sidii meesha ay uga saari lahayeen kooxda Al- Shabaab oo muddo dheer dhibaato ku hayay dadka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.