Day: October 17, 2022

Post

Guddoomiyihii hore ee degmada Baraawe oo xabsiga laga sii daayay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dadaallo dheer, kadib lagu guuleystay in maanta xabsiga laga sii daayo guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo haatan ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmadaasi, kaas oo Jimcihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka ee Booliska ay xireen, kadib xiisad ka dhacday halkaasi

Post

Turkiga iyo Giriiga oo isku eedeeyay Meydad Muhaajiriin la qaawiyay

Saraakiisha Turkiga ayaa Axaddii ka jawaabay eedaymo uga yimi dalka Giriiga oo ku saabsanaa, in dalka Turkigu uu si Khasab ah ugu diray dalka Giriiga illaa 92 tahriibe oo qaaqaawan isla markaana ay ka muuqdaan dhaawacyo jidheed, hase ahaatee masuuliyiinta Turkiga ayaa warkaas ku tilmaamay inuu yahay been abuur, iyaga oo ku eedeeyey dalka Giriigu inuu si xun ula dhaqmay muhaajiriinta