Month: November 2022

Home » Archives for November 2022
Kiiska Axmed Rashiid oo yeeshay weji cusub
Post

Kiiska Axmed Rashiid oo yeeshay weji cusub

Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.

Weriyaal lagu xiray Baydhabo
Post

Weriyaal lagu xiray Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidanka Nabadsugidda ee Maamulka Koonfur Galbeed ay goordhow xireen saddex Wariye oo ka tirsan Ururka Saxafiyiinta Somaaliyeed ee SJS.

Post

Twitterka oo joojiyay siyaasad lagu xakamaynayay wararka aan sugnayn

Shirkadda Twitterka ayaa meesha ka saartay siyaasaddii lagu xakamaynayey wararka been abuurka ah ee la xidhiidha xanuunka COVID-19, taasoo haatan laga yaabo inay kor u qaado in shabakadda lagu wadaago wararka aan sugnayn ee ka dhanka ah xanuunka COVID-19, tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Shiinaha iyo meelo kale oo caalamka ah laga soo sheegayo inay kor u kaceen tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19

Post

Maraykanka oo saxiixay heshiis hub lagaga iibinayo Qatar

Dawladda Maraykanka ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo hub gaaraya illaa $1 bilyan oo dollar, waxaana arrintan la shaaciyey intii lagu guda-jiday wakhtiga nasashada ee ciyaarta koobka adduunka ee dhex martay xulalka Maraykanka iyo Iran, taas oo ku soo dhamaatay in xulka Maraykanku uu hal gool kaga badiyo xulka Iran.

Post

Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii hotel Rays

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Axaddii ku qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo sheego yaab leh uu ka sameeyey.

Jeyte waa gar sheegtay, laakiin wax intaas ka weyn baa maqan! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
Post

Jeyte waa gar sheegtay, laakiin wax intaas ka weyn baa maqan! W/Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Cali Jayte, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan waa gar sheegtay, wuxuu dareemayaa in heerka uu soo gaaray haddii uu heli lahaa taageerrada uu u baahanyahay uu soo gabagabeyn Al-SHabaab, laakiin gartan mid baa ka horeysay, hadalkiisana wuxuu  horseedayaa dhaqan uu cadowgeena rabay in layna gaarsiiyo oo ah oraahda uu Jeyte ka dhawaajiyay ee ah “Ninkii maanta innagu...

Post

Askari saakay geestay dil carro badan dhaliyay oo lasoo qabtay loona gudbiyay Maxkamad.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamada amaanka degmada Balcad ayaa gacanta ku soo dhigay Askarigii  la sheegay in 10-kun Shillings Soomaali darteed u diley darawal miskiin ahaa. Askariga dilka ku edeysan  ayaa  xabsiga la dhigay isagoo jeebeysan, Wuxuu isku dayay inuu ku baxsado dhul beereed isagoo daqiiqado isku dayay inuu iska caabiyo askartii eryanaysay balse markii...