Xama Barre oo ballan qaad u sammeeyay Ciyaartoyda 17-jirrada

Xama Barre oo ballan qaad u sammeeyay Ciyaartoyda 17-jirrada

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa berri ay koobka geyn doonaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Munaasabadda cashada ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda, waxaana Ra’iisul Wasaaraha uu u ballan qaaday in uu taageero u muujin doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.