Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliya kuwaas oo khasaara gaysta.
Iska hor imaadyadan ayaa ah kuwa salka ku haya muran soo kala dhaxgala ciidanka Dowlada ee baraha laga maamulo amniga ee magaalada Muqdisho.
Waxa ay gaystaan khasaare kala duwan oo soo gaara ciidanka Dowladda iyo dadka kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.
Shalay umba ugu danbeysay dagaalada u dhaxeeya ciidanka dowladda ee khasaaraha gaysta waxaa uu ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu qayb ka yahay dagaalkaas kuwa badan oo ka dhacay degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa wali waxba ka qaban dhibaatooyinka ay gaysteen ciidankeeda kuwaas oo dhaxmaray dagaalo salka ku haya muran iyo ismaandhaaf.
Dad badan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay ka walwal qabaan sii socoshada dagaalada ciidanka dhaxdooda u dhaxeeya kuwaas oo ka qayb qaadan kara amni darro.
Laamaha amniga ee Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay wax ka qabashada iska hor imaadyada ciidanka ku dhaxmara magaalada Muqdisho sida ay qabaan aqoonyahano muqdisho ku nool oo aan la hadalnay.
Leave a Reply