Garoowe (Raxanreeb ) Ciidanka amniga magaalada Garoowe ee Puntland howlgal ay sameeyeen ayay sheegeen saraakiishu inay ku guulaysteen in gacanta ku soo dhigaan shaqsiyaad lagu eedeynayo falal kala duwan.
Saraakiisha amniga ayaa sheegaya in xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Garoowe ay ka fuliyeen howlgal horseed u noqday in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaad kufsi iyo dhac ka gaystay magaalada.
War ka soo baxay Booliska magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay cadaalada ay wajihi doonaan.
“Taliska Qaybta Gobol ka Nugaal. ayaa hawl-gal ay ka fulliyeen saqdii dhexe ee xalay Magaalada Garowe ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan rag ku eedeysan kufsi iyo mobile furasho” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska.
Hawlgalka ayaa sidoo kale intii uu socday lagu qabtay rag isticmaala maandooriyaha Khamriga iyo hubkii ay wateen kuwaas oo qaarkood hawlgalka lagu dhaawacay sida lagu sheegay qoraalka Booliska.
Laamaha amniga ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ay ku sugayaan amniga xaafadaha magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Leave a Reply