8- Maarso : Xuska maalinta haweenka & caqabada haysta dumarka Soomaaliyeed.

8- Maarso : Xuska maalinta haweenka & caqabada haysta dumarka Soomaaliyeed.

Muqdisho (Raxanreeb ) Maalinta siddeeda Maarso, waa munaasabad ay xusaan ururrada haweenka ddduunka iyo Qaramada Midoobey, waxaana ay dalal badan ka tahay maalin ciid ah oo haweenka ku kala nool qaaradaha adduunka ee ay kala qaybiyeen xuduuddaha, afafka, dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda ay xusayaan munaasibaddan 8-da Maarso isku maalin.

Dumarka Soomaaliyeed oo ah halbowlaha bulshada dhan walba kana mid ah berimageedada ayaan weli gaarin hiigsiga ay haweenka ku taamayeen oo ah helitaanka xuquuq la mid ah midda ay qeybaha kale ee bulshada helaan. Waxaana taasi kaba sii daran tacaddiyada rabshadda ah ee haweenka loo geysanaayo iyo dhibaatooyin ka dhashay colaadaha ayaa sare u sii kacay.

Haweenka ayaa weli loo arkaa inay yihiin guri joog, ay tahay inay carruurta ilaaliyaan, isla markaana ku hawlan shaqooyinka guriga. Tan waa mid ku saleysan aragti qadiimi ah oo raad xun ku yeelatay waxtarnimada iyo wax-soo-saarkii haweenku ku yeelan lahaayeen bulshada.

Maalinta haweenka aduunka waxay markii ugu horeysay soo if-baxday xilligii dhaqdhaqaaqa ururada shaqalaha 1908dii, ka dibna waxay Qaramada Midoobay maalinkan u asteysay maalinka haweenka aduun waynaha sanaddi 1975.
Sannadkii 1908-dii, in ka badan 15,000 oo haween ah ayaa socod ku maray magaalada New York si ay u dalbadaan saacadaha shaqada oo gaaban, mushaar wanaagsan iyo xaqa cod bixinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.