Xukuumadda Muuse Biix cabsi miyay ka qabtaa in markale rabshado ay ka dhacaan Hargaysa.

Xukuumadda Muuse  Biix cabsi miyay ka qabtaa in markale rabshado ay ka dhacaan Hargaysa.

Hargaysa (Raxanreeb) Shir deg deg ah oo looga hadlayo amniga degaanada Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay magaalada Hargaysa ee Somaliland.

Shirkan waxaa ka qayb galay laamaha amaanka Somaliland , kuwaas oo laga dhagaystay warbixin ku aadan , amniga .
Madaxweyne ku xigeenka SomalilandCabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shirkan Guddoomiyay isla markaana faray laamaha amaanka dar dargalin sugidda amniga Somaliland.

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlay arrimaha abaaraha degaanada Maamulka Somaliland iyo sidii loogu gurman lahaa.

Hay’adaha samafalka ayaa shirka lagu faray in ay wax badan ka qabtaan dhibaatooyinka la xiriira abaaraha ka jira Somaliland.


Si kasta deegaanada Somaliland , waxaa ka jira dhibaatooyin is biirsaday oo la xiriira abaaro iyo rabashado salka ku haya xukun isu dhejinta Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.


Maanta xubno ka mid ah mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay dar dar galin doonaan talaabooyinka ay kaga soo horjeedaan Muuse Biixi Cabdi , si Somaliland ay uga dhacdo doorasho la isla ogol yahay

Leave a Reply

Your email address will not be published.