Garoowe (Raxanreeb) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay qaar ka mid ah isimada Puntland, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo qaarka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada.
Isimada Puntland ayaa u taagan ka shaqeynta nabadeynta bulshada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana Madaxweynuhu ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida Bulshada.
Madaxweynaha ayaa wafdiga uga mahad celiyay safarka ay ku yimaadeen Magaalada Garoowe, waxanaa wafdiga ay kulamo kala duwan la qaadan madaxda kale ee Puntland.
Wafdiga Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maalinta berito ah tagaya Magaalada Garoowe.
Puntland ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay u heli lahayd xilka Ra’iisulwasaarinimo , taas oo markii dambe meesha ka baxday keentayna inuu xumaado xiriirka Dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.
Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqonayo kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.
Leave a Reply