Ciidanka Dowladda oo howlgal ka bilaabay Muqdisho ka dib weerarkii Hotel Xayaat

Ciidanka Dowladda oo howlgal ka  bilaabay Muqdisho ka dib weerarkii Hotel Xayaat

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka fuliyay xaafado dhawr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

howlgaladan ayaa ka danbeeyay ka dib falal amni darro ah oo ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

dhawr qof oo u badan dhallinyaro ayaa ciidanka Dowladda ay ku soo qab- qabteen ciidanka Dowladda Soomaaliya howlgaladan

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadayaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga

waxa ay sheegeen Saraakiishan in aan loo dulqaadan doonin in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan falal amni daro , qof kasta oo ay ku helaan ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.

Ciidanka Dowladda ayaa lagu arkayay xalay waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho , kuwaas oo dadka qaar waydiinayay su’aalo la xiriira amaanka.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa xusuusta weerarkii maalmo qaatay ee Al- Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat oo ku yaala KM4 Muqdisho.

Magaalada Muqdisho xaafado ka mid ah todobaadyadii la sood dhaafay waxaa ka dhacay weeraro toos ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.