Galmudug oo Guddi u diraysa degaano dagaal uu ku dhaxmarayo maleeshiyo beeleed.

Galmudug oo Guddi  u diraysa  degaano dagaal uu ku dhaxmarayo maleeshiyo beeleed.

Cadaado (Raxanreeb ) Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Guddi ka qayb qaata xal ka gaarista khilaaf gacan ka hadal ah oo u dhaxeeya laba beel oo wada dega gobolka galgaduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ( Waayeel) ayaa sheegay in Degaanada dagaalada ay ka dhaceen ay u diri doonaan guddi ka qayb galka xalka dhinacyadu colaadu ay u dhaxeeyso.

” Dagaalka dhiiga ku daadanaya waa in la joojiyaa waliba si sharuud la’aan ah waan ka xumahay wixii dhacay waxaan ka tacsiyaynayaa dadkii ku dhintay dagaalka micna darada ah ” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug.

laamaha Amniga dowlad Gobeedka Galmuug ayuu ku amray inay si deg deg ah u kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamay, Isla markaana aan la aqbali doonin dagaalada soo laab laabta.

Beelo ka soo kala jeeda Cadaado iyo Caabudwaaq ayaa dagaal salka ku haya aargoosi qabiil iyo degaan waxaa uu ku dhaxmaraya degaano hoostaga degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa xooga saaraya , wax ka qabashada qul qulutooyinka salka ku haya qaaa’ilka ee inta badan ku soo noq noqda degaanada maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.