Faysal Cali Waraabe oo soo jeediyay in muddo kordhin loo sameeyo Muuse Biixi

Faysal Cali Waraabe  oo soo jeediyay in muddo kordhin loo sameeyo Muuse Biixi

Hargaysa (Raxanreeb ) Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in dhankooda diyaar ay u yihiin in muddada loo kordhiyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo maalmihii la soo dhaafay ku furnaa mowjado siyaasadeed.

Wareysi uu siiyay Eng Faysal Cali Waraabe Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayuu ku sheegay inn xisbigiiga uu oggol yahay in muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo xukuumadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sidoo kale aqbalay talo soo jeedin ka timid guddi ganacsato ah oo waday dhax dhaxaadin, kuwaa oo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan ururada ay mar qura wada dhacaan.

“Farsamo ahaan way yara durkaysaa [doorashada] sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay lix bilood ka badan. Beesha caalamku waxay nagu tiri afar ilaa lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa. Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah,” ayuu yiri guddoomiyaha UCID.

Marar badan ayaa hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadda Somaliland waxa ay sheegeen in aan la aqbali doonin in muddo kordhin loo sameeyo Muuse Biixi Cabdi , taas oo sababtay in magaalooyin ka mid ah Somaliland ay ka dhacaan rabshado dad badan ay ku dhinteen.

Lama oga sida hadalka Faysal Cali Waraabe ay u aqbali doonaan xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Somaliland , kuwaas oo diidan in xukunka uu isku dhejiyo Madaxwaynaha talada Somaliland haya ee Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa doonaya in Somaliland ay ka dhacdo doorasho lagu kala saarayo ururada siyaasadda ee dhawaan is diiwaangeliyay, kadibna kuwa soo baxa ay galaan doorashada madaxtinnimada ee loo asteeyay bartamaha November ee sanadkan

Leave a Reply

Your email address will not be published.