Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa wali si sharciga baalmasan ugu xiran yahay xoghayaha SJS Cabdalle Axmed Muumin oo ku jira godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha SJS ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin xaaladda xogyahaya SJS oo Dowladda ay sheegtay in loo haysto arrimo ku saabsan amniga , taas oo ay soo dhoodhoobtay Wasaaradad Warfaafinta Dowladda Soomaaliya.
Kulan magaaalada Muqdisho ay isugu yimaadaan suxufiyiinta ayay ku diideen xariga Cabdalla Axmed Muumino oo isaga oo ka dhoofaya Garoonka Aadan Cadde gacanta ku dhigeen xubno ka mid ah Hay’adda NISA.
Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha ayaa dhankooda codkooda ku biiriyay sida ay u diidan yihiin xarigga xogyahaya SJS Cabdalle Axmed Muumin oo ku xiran si sharciga baal-marsan maalintii sedddaxaad.
Dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markan u muuqata mid qaaday talaabo ay ku camburinayso warfidiyeenka Soomaaliyeed oo ku ku shaqeeya marxlad aad u adag oo xaga amniga ah.
Cabdalla Axmed Muumin oo aad ugu dooda xuquuqda saxaafadda ayaa laba maalmood ka hor ka mid ahaa madaxda ururrada warbaahinta ee dooda adag ka keenay amarkii ay dowladda Soomaaliya ku mamnuucday sii faafinta wararka iyo afkaaraha argagixisada.
Leave a Reply