Taliska xoogga  ” DFS  waxa ay ku guulaystay in kooxda Al- Shabaab ka saarto deegaano badan “

Jowhar (Raxanreeb )  Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta booqday deegaanada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere  iyo Warciise oo dhowaan laga xureeyay Kooxda Khawaaarijta ah ee alshabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegaanada laga xureeyay argagixisada, Isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada waxa uuuna kala hadlay muhiimada howlgalada socda, adkeynta amniga deegaannada la xureeyay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ciribtirka khawaarijta arxanka daran.

Madaxweynaha ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee lagu ciribtirayo khawaarijta waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan ka xureeyaan argagixisada cadowga ee dhiibaateeyay dadka shacabka ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u soo hub qaataan halganka la isaga xureynayo khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.