Muqdisho (Raxanreeb ) Wararka naga soo garaya garoonka Adan Cadde ayaa tilmamaay in diyaarada Ethiopian airways ay shil ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada muqdisho.
wararku waxa ay sheegayaan in Shilkan uu yimid kadib markii mid ka mid ah garbaha diyaarada uu waxyeello soo gaaray xilli ay dooneysay in ay ka duusho Garoonka Aadan Cadde.
Wararka ayaa tilmaamayaan in shaqaalaha iyo rakaabkii saarnaa diyaarada ay badqabaan, inkastoo la arkayay qiiq isku shareeyay hawada.
Xogaha ayaa sheegaya, sida uu warqaadkani Twitter-ka ku qoray, in diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ay shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka dowlada Somalia ayaa sheegay in mid ka mid ah matoorada dayuurada uu fariistay markii ay dhex gashay wax loo malaynayo iney aheyd shimbir, taasoo sababtay inuu qiiq iyo dab ka baxo.
Leave a Reply