Laascanood : Toogasho lagu dilay mid ka mid haldoorka gobolka Sool.

Laascanood : Toogasho lagu dilay mid ka mid haldoorka gobolka Sool.

Laascanood ( Raxanreeb ) Dabley hubaysan ayaa hadda Laascanood ku toogatay Aqoonyahan Hadraawi Sangub oo kamid ahaa haldoorka gobolka Sool.

Ciidanka amniga maamulka magaalada Laasacanood ayaa lagu soo waramayaa in maydka ay qaadeen goobta lagu dilay.

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka danbeysa dilka aqoonyahanka iyo waxa salka ku – haysa toogashada.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ciidanka amniga magaalada Laascanood ay bilaabeen howlgal amniga ay ku sugayaan.

Magaaalada Laascanood oo wax xooga ah kacsanaan ay ka jirtay ayaa hadda degan waxaana si caadi ah u shaqaynaya goobaha ganacsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.