Garoowe ( Raxanreeb ) Warsaxaafadeed ku saabsan Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa maanta oo sabti ah Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ka soo baxay .
War-saxaafadeedka ka soo baxay PUNSAA ayaa danbi dagaal ku tilmaamay xasuuqa ay Somaliland ku waddo shacabka Laascaanood.
PUNSAA ayaa sidoo kale ku baaqday in gabi ahaan la joojiyo – gacan ka hadalka sii socda ee magaalada Laascanood ee dadka rayidka ah lagu beegsanayo.
Dadka reer Laascaanood aad uga careysan dilalka ciidanka Somaliland ay u geysteen dad dhigaa banaanbaxyada.
Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka Laascaanood ku xiray biro iyo dhagxaan waaweyn, isla markaana laamiga dhex-diisa ku gubaya taayaro.
Leave a Reply