DAMBI- Dagaal oo lagu tilmaamay dilalka & rabashadaha Laascanood.

Garoowe ( Raxanreeb ) Warsaxaafadeed ku saabsan Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa maanta oo sabti ah  Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ka soo baxay .

War-saxaafadeedka ka soo baxay PUNSAA ayaa danbi dagaal ku tilmaamay xasuuqa ay Somaliland ku waddo shacabka Laascaanood.

PUNSAA ayaa sidoo kale ku baaqday in gabi ahaan la joojiyo – gacan ka hadalka sii socda ee magaalada Laascanood ee dadka rayidka ah lagu beegsanayo.

Dadka reer Laascaanood aad uga careysan dilalka ciidanka Somaliland ay u geysteen dad dhigaa banaanbaxyada.

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka Laascaanood ku xiray biro iyo dhagxaan waaweyn, isla markaana laamiga dhex-diisa ku gubaya taayaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.