Jawaano Xashiis ah oo lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo.

Kismaayo ( Raxanreeb ) Ciidanka Booliska Gobolka Jubada Hoose ayaa soo bandhigay 69 kiish oo Xashiish ah, Labo doon oo siday Xashiishka iyo Raggii waday kuwas oo rabay inay si qarsoodi kusoo galiyaan Degmada Kismaayo maandooriyahan oo la ogyahay dhibaatada uu bulshada kuhayo.

Xarunta Taliska Booliska Qeybta Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu soo bandhigay Waxyaabaha maanka dooriya iyo Ragii siday ee Ciidanka ay gacanta ku soo dhigeen saacadihii lasoo dhaafay kadib markii la helay xogtooda.

Taliyaha Booliska Degmada Kismaayo G/dhexe Warsame Axmed Geelle ayaa digniin u diray dadka ku mashqulsan inay Mandooriye soo galiyaan magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.