Beesha Caalamka ‘’ Hala joojiyo dagaalka Laascanood ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Laasacnood ee gobolka Sool waxaa wali waxaa ka sii socda rabashadaha salka ku haya diidmada dadka ku nool gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn maamulka Somaliland.

Gudaha magaalada waxa wali ku dhacaya hoobiyaasha kuwaas oo inta badan waxyeelo ba’an ay ka soo gaarayso dadka rayidka ah waxaana isa soo taraya cambaaraynta loo jeedinayo dhinacyada dagaalka uu ku dhaxmarayo magaalada Laascanood .

Saaxiibada beesha caalamka* ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

‘’Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal ‘’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dalalka beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Xaalad aan caga badan ku taagneyn ayaa ka  jirta  magaalada Laascaanood waxaaba jira  duqeymo lagu garaacay xaafadaha magaaladaas kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.