Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:
1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa
2. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka.
Wasiirka Kaluumaysiga oo maanta isagana laga sugayay xarunta Villa Hargaysa ayaa la sheegayaa inuu ka cudurdaartay inuu tago si loo horgeeyo sharciga kalluumaysiga.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loogu digay ka maqnaanshaha fadhiyada Barlamaanka oo marar badan uu u baaqday kooram la’aan iyadoo ay yaaleen meel – marinta sharciyo muhiim ahaa.
Guddoonka Golaha shacabka ayaa ku adkeeyay in mudanayaasha ay soo xaadiraan fadhiyada si ay u gutaan waajibka ka saraan u adeegida dadka ay ku matalaan kursiga.
Leave a Reply