Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal ridada dhexe ah

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal ridada dhexe ah

Pyongyang (Raxanreeb) — Kuuriyada Waqooyi, ayaa gantaal riddada gaaban u ridday dhanka badda oo ka baxsan xeebaha bari ee gacanka Kuuriya Axaddii.

Warkan, ayaa laga soo xigtay dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, tijaabooyinkii ugu dambeeyay ee hubka Nukliyeerka.

Tijaabadan afraad ee toddobaadkan, ayaa imanaya iyadoo maamulada Seoul iyo Washington ay qabteen dhoola tuskoodii milatari ee ugu weynaa muddo shan sano ah.

Seoul ayaa cambaareysay gantaallada ballistic-ga ee Kuuriyada Waqooyi ay dhawaan riday, waxayna ku tilmaantay “xadgudub cad”, oo la xiriira qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wax yar ka dib markii la soo gudbiyay warkan, Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegtay in Maraykanku uu geeyey bam istiraatijiyadeed oo ah nooca B-1B dhoolatuska cirka ee wadajirka ah.

Maamulada Seoul iyo Washington, ayaa shaaca ka qaaday inay u sameynayaan arrintan, si kor looggu qaado kahor tagga halis dheeraadka ah.