Somaliland ‘’Maxaabiis aan ku qabanay dagaalka Laascanood ayaa ku xukunay dil‘’

Somaliland ‘’Maxaabiis aan ku qabanay dagaalka Laascanood ayaa ku xukunay dil‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda  Somaliland ayaa sheegtay in 9 maxbuus oo ay ku qabatay dagaalkii Laascaanood ay soo taagtay maxkamad milateri, waxaana lagu soo eedeeyey qodobada 184, 185, 187aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ka hadlaya inay Khiyaano-Qaran sameyeen, cadow la safteen kuna soo duuleen wax logu yeeray Qaranimada Somaliland.

Maxkamadda ayaa dhamaan maxaabiistan dil toogasho ah ku xukuntay, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo rasmi ahna waxaa loo gudbiyey Xabsiga Mandhera ee magaalada Hargeysa.

Maxkamadda ayaa 9-kan maxbuus dil toogasho ah ku xukuntay, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo rasmi ah, waxaana loo gudbiyey Xabsiga Mandheera.

Xukunka waxaa loo cuskaday Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dawlad gobaleedyada iyo Dawladda faderaalka Soomaaliya, kaasoo ay qortay dowladii kacaanka.

Tallaabadan ay qaaday Somaliland oo uga sii dareysa xiisadda Laascaanood ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay waxgaradka SSC ay ku eedeeyaan Somaliland in ay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga duleedka magaalada Laascaanood.

Si kastaba  magaalada Laasacnood ee gobolka Sool , waxaa wali ka sii socda dagaalka  u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha kacdoonka ee diidan Xukunka Muuse Biixi Cabdi , ilaa iyo hadda ma jirto wax xal ah oo laga gaaray colaadaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.