Raila Odinga oo yiri ‘’ Waa joojiyay dibadbaxyada ‘’

Raila Odinga oo yiri ‘’ Waa joojiyay dibadbaxyada ‘’

Nairobi (Raxanreeb ) Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga oo  ku dhaawaqay inuu hakiyay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Madaxwayne Ruto.

Maalmihii la soo dhaafay magaalooyin ka mid ah dalka Kenya waxa ka soconayay , dibadbaxyo sababay in waddooyinka qaar Dowlada ay dhigto  ciidamo fara badan si looga hortago rabashadaha mucaaradka

Madaxwaynaha Kenya Wiliman Ruto ayaa goor sii horeysay  ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada ka soconaya magaalooyinka dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka hadal horreeyay Raila Odinga ayaa ku eedeeyay in muuqaal aanay wanaagsaneen ay dalka ka bixiyeen maalmihii dibadbaxyada rabshadaha watay ay ka dhacayeen Dalkaas.

Dhibaatooyinka ugu weyn ee laga dhaxlay ayuu Madaxweyne William Ruto sheegay in ay yihiin Amniga Kenya oo Cabsi xooggan laga muujiyay, Isu-socodka Ganacsiga oo Istaagay.

Hoggaamiyaasha qaarada ayaa ku baaqay in wax kasta lagu dhameeyo wada- hadal si looga baaqsado in dadka rayidka waxyeelo ay soo gaarto , maadama dhibaatooyinka inta badan raadad aan wanaagsanayn ay ku yeeshaan rayidka.

Wararkii ugu danbeeyay ee ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan oo Noloshu ay ku soo  laabatay , si caadi ah , inkastoo aan la saadaalin karin wax is bedeli doono .

Leave a Reply

Your email address will not be published.