Baydhabo (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxaa degan xaalada degmada Xudur ee gobolka Bakool halakas oo iska hor imaad ku dhaxmaray ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhigga Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degmada Xudur
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in xubno ka mid ah Al- Shabaab sida hadalka u dhigeen ay ku dileen dagaal halkaas ka dhacay
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in maanta xaalada ay tahay mid degan ciidankuna ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in amniga ay ku sugaaan.
Kooxda Al- Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay weerar ay ku qaadeen goobo badan oo ciidanka Dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Xudur.
Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxa ay kamid tahay degmooyinka ay Go’doomiyeen Al-Shabaab, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dhawaan go’doonka laga qaadi doono.
Leave a Reply