Ciidanka DFs oo gudaha u galay Ceelbuur –  wax dagaal ah kama dhicin.

Ciidanka DFs oo gudaha u galay Ceelbuur –  wax dagaal ah kama dhicin.

Ceelbuur (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa gudaha u galeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Guluf socday maalmo ayaa la sheegayaa in ciidanka ay ugu suurtagashay in ay kula wareegaan degmadaas oo ay ku xooganayeen kooxda Al- Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa baneysay magaaladaas iyagoo aan ku dagaalamin, waxaana gudaha u galay cutubyo ka tirsan Danab iyo Gor Gor.

Ciidanka huwanta ayaa kahor inta aysan gelin degmada Ceelbuur qarxiyay gaadiid Al Shabaab qaraxyo ku diyaariyeen , waxaana la sheegay ciidanka magaalada qabsaday in aysan la kulmin iska caabin .

Dadkii ku dhaqnaa degmada Ceelbuur ayaa gabi ahaan isaga qaxay, waxa ayna ciidanka magaalada hadda ka bilaabeen howlgalo baaritaano , iyaga oona galay xarumo Al Shabaab magaaladaasi ku lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.