Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ku geeriyooday Guddoomiyihii iyo duqii hore ee gobolka Banaadir
AUN Cali Ugaas Cabdulle ayaa maalmihii la so dhaafay waxa uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho , waxana uu ugu danbayn ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.
Waxa uu ahaa Cali Ugaas Cabdulle siyaasi rug caddaa ah, oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.
Cali Ugaas Cabdulle ayaa soo noqday Duqa magaalada Muqdisho sanadihii 1987-1990- xilligii dowladdii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.
Sidoo kale Ugaas Cali , waxa uu soo noqday Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya sannadkii 2005, xilligii dowladdii KMG.
Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo masuuliyiin hor leh ayaa ka taciyadeeday geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir
Leave a Reply