Guterres oo khudhawaaqay hadal wadnaha jaray reer Israa’iil

 Guterres oo khudhawaaqay hadal wadnaha jaray reer Israa’iil

New York (Raxanreeb) – Hadalkii ku dhaca lahaa ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu xalay ka jeediyey kulanka heerka Wasiirka ee Golaha Amaanka wuxuu ka dhashay culayska iyo cadaadiska madaxda reer Galbeedka kaga imaanaya shucuubtooda oo si toos ah warbaahinta baraha bulshada kala socda xasuuqa ka dhacaya Gaza.

“Waxaa kaloo muhiimad wayn leh in aan garawshiyo ka bixino in weerarkii ay Xamaas 6-dii Oktoobar ku qaadday Israa’iil uusan meel cidla ah ka dhalan Wuxuu ka dhashay 56 sano oo ay shacabka Falastiin ku jireen ixtilaal naqaska ku celiyey, dhulkoodii xoog looga haysto, cunfi iyo gacan ka hadal lagula kacay, dhaqaalahoodii la cuuryaamiyey, dadkoodii la qixiyey, guryahoodii la dumiyey, lana dilay rajadii ay xal siyaasadeed ka lahaayeen”.

“Sida aan cudurdaar loogu yeeli karin weerarkii ay Xamaas ku laysay dadka Israa’iilyiinta ah, ayaana cudurdaar loogu heli karin ciqaab wadareedka lagu hayo shacabka Falastiin”.

Safiirka dawlada Israa’iil ayaa ku baaqay in uu Guterres is casilo, halka uu wasiirkeeda arrimaha debeda ku tilmaamay hadal waali ah.

Qiyamkii iyo Dimoqoraadiyaddii ay Reer Galbeedka sheegan jireen in ay kaga horreeyaan dunida inteeda kale, nidaamkii Caalamiga ahaa ee ay dhiseen dagaalkii 2aad ee dunida ka dib markii ay kaga guulaysteen Naasigii iyo Faashiistihii, sharciyadii caalamiga ahaa ee ay dadka u mayrin jireen ee ay Genève Convention ugu waynayd, waxaa qaawiyey oo marada ka riday markii ay si aan kala har lahayn u garab siiyeen dulmiga iyo gardarada Israa’iil ay ku gumaadayso shacabka Falastiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.