Muqdisho (Raxanreeb ) Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay arrimo ku aadan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland.
Catriona Laing ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay Puntland ku soo celiso saaxadaha siyaasadda, gaar ahaan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, maadaama ay ka maqneyd kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaraay dowladda dhexe iyo maamullada dalka.
Haweeneydan ayaa xustay in loo baahan yahay in si wadajir ah heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay haddii aan xal loo helin maqnaashiyaha Puntland ay sii adkeyn doonto in la dhammeystito hannaanka doorashooyinka.
Ergeyga QM ee Soomaaliya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka hadashay arrimaha geeddi socodka dastuurka, ayada oo carabka ku adkeysay in loobaahan yahay dhammeystirkiisa.
“Dastuur la’aan, waddanku aad ayay u adkaan doontaa in uu horay u socdo. Soomaaliya waxay runtii u baahan tahay in dastuurkaas la dhameystiro; sida aad ogtihiin, weli dalku wuxuu ku shaqaynayaa dastuur qabyo ah,” ayay tiri Ergeyga Qaramada Midoobay.
Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu shalay Deni weerar afka ah ku qaaday dowladda dhexe iyo xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in aysan kaligood go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama la qaatay nidaam federaal ah.
Leave a Reply