Doolow (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Gedo waxa uu halkaas sidoo kale uu kula kulmi doonaan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo.
Amaanka deefaanada degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa maanta oo Isniin ah aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo fara badan oo suga amniga degmadaas oo uu ku sugan yahay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.
Waa markii ugu horeysay oo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya boqoasho uu ku tago deegaan ka mid ah gobolka Gedo halkaas oo ay ka jiraan dhibaatooyin la xiriira roobabka fataahadaha ka dhashay.
Leave a Reply