Maanta oo Talaada ah waxaa lagu waday in fadhi xaroontooda ay ku yeeshaan , xubnaha aqalka saree ee Barlamaanka Soomaaliya, hase ahaatee waxa uu u baaqday kooram la’aan.
Fadhiga ayaa ujeedku ahaa maanta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo Doonka .
Guddoomiyaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya , Cabdi Xaashi ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in mudanayaasha oo jooga magaalada Muqdisho hadana ay imaan waayaan fadhiyada Aqalka sare ee Barlamaanka.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka sare inuu aad ugu xun yahay in maanta kooramka uu buuxsami waayo , taasna ay tahay masuuliyad darro.
Waa uu sii hadlay oo waxa uu baaq u diray xubnaha aqalka sare ee jooga magaalada Muqdisho si ay u gutaan waajibka saraan isla markaana ay u adeegaan dadkooda oo ka sugaya wax qabad.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi waxa uu sheegay inuu jiro kulan guud oo xisaab xirka miisaaniyada ah oo ay ka qayb galayaan sidaas darteeda ay muhiim ay tahay in xubnaha maqan ay yimaadaan isaga oo ku dhawaaqay in shirka uu xiran yahay.
Sidan oo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa diray digniin ku saabsan imaansho la’aanta xildhibaanada Golaha kuwaas oo uu sheegay in ay gabeen masuuliyadii saarnayd.
Leave a Reply