MW Xasan Sheekh oo lagu eedayay hurinta dagaal ka dhaca Somaliland.

MW Xasan Sheekh oo lagu eedayay hurinta dagaal ka dhaca Somaliland.

Hargaysa  (Raxanreeb ) Somaliland ayaa   ku eedeeysay   Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaalya Xasan Sheekh in uu horkacayo dagaal lagaga soo horjeedo Somaliland.

Hadalkan waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya

Waxa uu sheegay in kadib markii uu is fahamku badu dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyay dagaalo lagaga soo horjeedo Somaliland, isla markaana uu abaabulay bulshadiisa.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan aanay ka ahayn bad difaacis, lakiin uu rabo in isaga laga amar qaato, oo uu heshiisyada saxeexo, isla markaana uu ka xunyahay uun in Somaliland ay heshiis gasho.

Waxa uu sheegay in kadib dagaalka balaadhan ee dubulumaasiyadeed ee ay dowlada Soomaaliya qaaday anay uga soo bixin natiijo buurani, isla markaana shirkii ugu danbeeyay ee IGAD ay kasoo baxeen wax dowlada Soomaaliya anay filaynin.

Waxa muuqanysa  in ay  isa soo taraysa wararka ku saabsan dhiilada ka dhalatay   heshiiska is afgarad ee Somaliland ay la gaartay Itoobiya kaas oo ay ka dhalatay xajiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.