Muqdisho (Raxanreeb ) –Taariikhda markeey aheyd 17 bishii tagtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad lanbarkeeda yahay ETH8273 taas oo ka soo duushay Addis Ababa kuna socotay Hargeysa, maamulka Somaliland ayaa dhacdadaas ku tilmaamay gardaro kaga timid Soomaliya balse isla maalinkii xigtay ayeey Ha’adda Duulista Soomaliya hawada ka celisay diyaarad kale oo aheyd nooca xamuulka qaado oo ka diiwan gashan wadanka Thailand kana soo duushay magaalada Shariqa ee dalka Imaaradka Carabta kuna socotay Hargeysa.
Maamulka Somaliland oo ka jawaabaayo dhacdooyinkas ayaa dib u rakibtay qalabka VHF oo ah qalab lagula xariiro duulimadka jooga sarre ku socda oo ay horay u haysteen waxeeyna khalkhal ku fureen duulimaadyadii isticmaalayay Hawada Soomaaliya, Tusaale~ taarikhda markeey aheyd 8 Febraayo maamulka Somaliland ayaa xariir la sameeyay diyaaradda Qatar Airway oo ka soo kacday Jabuuti kuna socotay Muqdisho iyagoo duuliyayaasha ku war galiyay in garoonka Muqdisho xiran yahay sidaas darteedna diyaaradda iska noqoto, dhacdadaas waxeey aheyd mid sharci darro ah laguna gudbiyay xog been ah.
Dowladda Soomaaliya oo arrinkaas ka jawaabeysa ayaa taarikhda markeey aheyd 11 febraayo bedashay Mowjada ( frequency’s) lagala xariiro Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, talaabadaas waxeey gabi ahaanba meesha ka saartay in maamulka Somaliland uu awood u helo innuu la xariiro Diyaaradaha isticmaala Hawada Sarre ee JFS.
Laba maalin ka dib oo ku beegneed 13 bisha febraayo waxaa magaalada Hargeysa Shir Jaraa’id ku qabtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland waxuuna sheegay in Somaliland ay dagaal Hawada ah la galeyso Dowladda Soomaaliya oo ka xoogtay maamulka Hawada.
Todobaad juuq la’aan ah ka dib maanta maxaa dhacay.
Maanta: War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda diyaaradaha dalka Israël EL AL ayaa lagu sheegay in ay Hawada Soomaaliya kala kulantay taag-taag, Shirkadda ayaa shegtay in dhacdadaas ay la qabeen dhamaan duulimaadyadii xiligaas hawada maraayay waxeeyna sheegeen in dhacdadaas ay sabab u aheyd isku dhex yaac ka jiray Raadarka Hawada Soomaaliya.
Cawada fiidkii waxaa qolkiisa laga helay isagoo meeyd ah Abdinasir Muse ( Dahable ) oo ka tirsanaay shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka, meydka marxuumka waxaa ku yaalay dhaawacyo darran,Booliska ayaa sheegay inneey baaritaan wadaan, Marxuumka waxuu ka soo jeedaa maamulka Somaliland.
Abdinasir Muse ( Dahable ); ayaa kamid ahaa sarkaalkiisha ugu fican Hey’adda duulista hawadda Soomaaliyeed, waxaa ay hey’addaha amniga waddaan baaritaanka sabata ka dambeysa dhimashadiisa.
???!.
WQ. Ahmed Gaashaan.
Leave a Reply