Dowladda oo lagu yiri ” Haddii xishood lahayn waxaad doonto sameey”- Falcelinta Quburaha la faagay.

Dowladda oo lagu yiri ” Haddii xishood lahayn waxaad doonto sameey”- Falcelinta Quburaha la faagay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faagtay qabuuraha iskuul Buliya oo ay ku aasan yihiin maydad badan.

Dhulkan ayaa la sheegay in dowladda ay ku wareejisay ganacsato isla markaana laga samayn doono dhismayaal waxaana ka dhashay falkaan facelin xoogan.

Qoraal uu soo saaray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in ay meesha ka baxday aaminada shacabka ay ku qabeen dowladda waxaana qoraalkiisa ku bilaabay :.

Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay.

Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto.

Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan.

Waxay joogaan halkii uu Suubanaheennu (NNKH) ka yiri; “Haddii aadan sariig lahayn, waxaa doonto fal”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.