DFS ‘’ AS badan ayaa la beegsaday  ‘’.

DFS ‘’ AS badan ayaa la beegsaday  ‘’.

Muqdisho (Raxanreeb )- Ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

howlgalka xubnahan lagu diley ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad gobolleedka Galmudug.

Sidoo kale waxaa war ka soo bacay dowladda lagu sheegay in howlgalka lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan, ka dib markii la weeraray xubno Shabaab ah oo qalanayay Geel ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u kordhay, ayadoo la filayo inuu dhowaan billowdo guluf ciidan oo dhammaystirani.

Dhawr  jeer ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga  kuwaas oo kordhiyay dagaalada iyo  howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hawada ka taageera diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.