Muqdisho (Raxanreeb )- War ka Soo baxay Taliska Guud Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri:-
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ogaysiinayaan shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda laga bilaabo maanta oo ay taariikhada tahay 18-06-2024 aan la ogaleyn Gaadiid bilaa taariko ah oo maraya wadooyiinka Caasimadda.
Fadlan muwaadin kala shaqee hay-adaha aminiga sidii loo sugi lahaa amnigga Caasimada oo gadiidakada kuxiro taariko si loo garto sumadiisa ‘’ ayaa lagu yiri warka.
Marar badan sidan oo kale Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro dhawr ah kuwaas oo aan dhaqan galin.
Leave a Reply